BBC navigation

Sawirro: Dibedbaxyada taageerayaasha Sisi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Janaayo, 2014, 07:33 GMT 10:33 SGA
  • Dibedbaxyo lagu taageersan yahay taliyaha militeriga Masar Cabdifataax Sisi ayaa lagu qabtay faagaaraha Taxriir.
  • Dibedbaxyadu waxaa lagu soo beegay xuska 25-ta January oo ah xilligii uu billawday kacdoonkii xilka looga qaaday Xusni Mubarak.
  • Caidifitaax Sisi ilaa haatan ma sheegin inuu isa soo sharraxayo, in kasta oo golaha sare ee militerigu sheegeen inay taageersan yihiin.
  • Askarta ayaa waardiyaynaysay dibedbaxayaasha taageersan Sisi
  • Cayaaro dhaqameed ayaa lagu soo bandhigay dibedbaxyada lagu taageersanaa Sisi
  • Dadka reer Masar qaarkood ayaa Sisi barbardhigo hoggaamiyayaashii hore ee Masar Jamal Cabdinasir iyo Anwar Saadat
  • Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa kor heehaabayay dibedbaxyada lagu taageerayo Sisi
  • Dadka qaar geedaha korkooda ayay ku dabbaaldegayeen.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.