Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (5.3 Mb)

Qaraxa magaalada Kabul

18 Jannaayo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 20:41 SGA 17:41 GMT

Maqaayadda qaraxu ka dhacay waxaa ku badnaa dadka ajnabiga ah

Si weyn ayaa loo cambaareeyay weerarkii bam ee lagu qaaday maqaayad ku taal magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.

Qaraxa waxaa ku dhinteen ugu yaraan labaatan qof oo badankood ajnabi ah, oo ay ku jiraan laba British ah. Waxaa kale oo ku jiray madaxii IMF ee Aghanistan iyo shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa si xoogan u cambaareeyay qaraxaasi.

Dadka weerarkaa ku dhintay aya waxaa mid aheyd Basro Faarax Xasan oo ah gabar Soomaaliyeed oo la dhalatay qoraaga Nuraddin Farah.

Basra Faarax waxay u shaqeyneysay hey'adda UNICEF.

Hadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa waxaa uu khadka telephoneka kula xiriiray Dr. Hussien Mursal oo ah madaxa hey'adda Save the children ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika oo ay hore u wada shaqeyn jireen waxan isla soo barteen, waxaana uu ka warreystay taariikhdeedi.