Sawirro: Diyaarad maqaayad loo baddelay Ghana

15 Jannaayo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 15:16 SGA 12:16 GMT

Diyaarad maqaayad loo baddelay Ghana
Laba bilood kaddib markii la aasaasay maqaayaddan diyaaradda ah, ayaa haatan waxay u muuqataa in dadkeeda ay bateen. Waxaa loo bixiyay the Green Plane ama "maqaayaddii cagaarnayd"
Shaqaalaha maqaayaddan ayaa sheegaya in dadka ay ka helaan inay cuntada ku cunaan kuraasta diyaaradda.
Ninkan ayaa sheegay inay halkan u yimaadeen inay indhahooda ku arkaan diyaaraddan maqaayadda loo baddely.
Dadka qaar waxay maqaayadda u tegayaan inay soo arkaan gudaha diyaaradda oo kaliye. Diyaaradda waxaa lahayad shirkadda diyaaradaha ee Ghana, oo qarash la'aan ay ku dhacday
Maqaayaddan waxaa laga cunaa raashiinka dhaqanka Ghana, oo aan inta badan laga helin diyaaradaha caadiga ah.
Kursiyada diyaaradda ayaa dib u habayn lagu sameeyay, waxay u muqdaan maqaayad caadi ah.
Waalidiinta qaar waxayba halkan keenayaan carrurtooda si ay iyaguna u arkaan diyaaradda maqaayadda loo baddelay.
Dadka qaar weligood diyaarad ma aanay korin, oo khibrad ayay u tahay arrintan.