Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (4.9 Mb)

Prof Abdi Ismail Samatar oo ka hadlaya qabowga Mareykanka

6 Jannaayo 2014 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 20:46 SGA 17:46 GMT

Waa qabowgii ugu ba'naa soo mara dalka Mareykanka muddo labaatan sano ka badan

Qabow aad u ba'an ayaa ku fidaya qaybo ka mid ah waddanka Maraykanka, isu-socodka gaadiidka ayaa kala go'ay, taas oo khasab ka dhigtay in iskuullada la xiro, lana soo saaro digniino ah in dadweynuhu aanay guryahooda ka soo bixin.

Meelaha qaar, cabirka heer kulka ayaa ka hoos ka maray 30 darajo heerka eber, waxaana goobahaasi ka dhacaya dabaylo aad u qabow, khatarna gelinaya noolasha bani'aadamka.

Haddaba Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale wuxuu uga warramay qabowgan ba'an ee ka dhacaya dalka Mareykanka.