BBC navigation

Maxaa ku dhaliyay Salaad Cali Jeelle inuu xisbi samaysto?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Janaayo, 2014, 07:19 GMT 10:19 SGA

Media Player

Salaad Cali Jeelle oo horey wasiir kuxigeen ka soo noqday dowladdii Cabdullahi Yusuf, lana tartamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii madaxtinimo ee ugu dambaysay ayaa sheegay inuu samaystay xisbi siyaasadeed.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo loogu magac daray Xisbiga Midnimada iyo Dimuquraadiyadda.

Xisbigan ayaa noqonaya xisbiga afaarad ee laga aasaaso Soomaaliya oo ay colaad sokeeye ka jirtay muddo ka badan labaatan sano.

Waxaa madax ka ah Salaad Cali Jeele, oo dowladdii madaxweyne Cabdullahi Yussuf Axmed wasiir kuxigeen ka soo noqday, una tartamay jagada madaxweynenimada sanadkii 2012-ka.

Weriyaha BBC-da Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa Salaad Cali Jeele wareystay oo weydiiyay ujeedada laga leeyahay xisbigan

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.