Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (5.9 Mb)

Maktabadda Qaranka oo dib loo dhisayo

19 Disembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 20:31 SGA 17:31 GMT

Waa sida ay u ekaan doonto marka la dayactiro

Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dhawaaqay in la furi doono Maktabaddii Qaranka oo ku burburtay dagaalkii ka dhacay Soomaaliya horraantii 1991.

Xaflad lagu maamuusayay mashruucan dib loogu dhisayo maktabadda ayaa waxa laga sheegay in hadda la hayo ilaa labaatan kun oo bug, qaar badan oo kalena la filayo.

Maamulaha Mashruuca Saynab Xasan, ayaa BBC u sheegtay in la dareemay baahida dadku ay u qabaan maktabad, iyada oo sheegtay inay jiraan kumanaan ardey Soomaaliyeed oo aan heysan meel ay ka helaan buugaag.

Maktabadda waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye

Fikradda in dib loo dhiso Maktabadda Qaranka waxa ay ka timid Machadka Daraasaadka ee Heritage, iyada oo ay gacan ka geysanayaan dowladda Soomaaliya, ganacsatada iyo qeybaha bulshada sidii dib loogu dayactiri lahaa dhismaha, waxaana dayactirka iyo qalabeytu qaadan doonta muddo lix bilood ah.

Dhismaha Maktabadda ayaa waxay hoy u ahayd qoysas Soomaaliyeed oo dhawaan dowladdu ay ka saartay.