BBC navigation

Santuuqa horumarinta Somaliland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 December, 2013, 15:27 GMT 18:27 SGA

Media Player

Dowladda Somaliland iyo dalalka deeqda bixiya ee Britain iyo Denmark ayaa kala saxiixday heshiis hal meel la isugu gaynayo deeqaha horumarineed ee Somaliland.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Somaliland Development Fund, ayaa ah hab cusub oo hal meel la isugu gaynayo lacagaha ay deeqbixiyayaasha ku bixiyaan mashruucyada horumarineed ee Somaliland ee (2012-2016)

SDF, ayaa lacagta lagu bilaabayo ay dhan tahay $40milyan oo ay bixisay dowladda Britain (DFID) iyo $20milyan oo ay bixisay dowladda Denmark (DANIDA).

Mashruucyada horumarineed ee lagu fulinayo lacagtan waxaa ka mid ah, horumarinta biyaha, beeraha xoolaha iyo jidadka.

Lacagtan ayaa ah qayb ka mid ah $1.19 bilyan oo ay Somaliland ugu tala gashay mashruucyada horumarineed ee (2012-2016).

Wariyaha BBC Axmed Saciid Cige, ayaa ka waraystay heshiiska, Wasiirka qorshaynta ee Somaliland Sacad Cali Shire.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.