Sawirro: Qaraxa lala beegsaday safaaradda Iraan ee Lubnaan

20 Nofembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 08:49 SGA 05:49 GMT

Koox sunni ah oo ku xiran ururka Al Qaacida ayaa sheegatay weerar is qarxin ahaa oo lala eegtay Saafaradda iran ee Beyrut.
Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay qaraxyo labo ahaa ee lala beegsaday safaaradda Iraan ee Beyruut.
Mas'uulkii arrimaha dhaqanka ee safaaradda Ibraahim Ansaari ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka ku dhintay weerarka.
Sawirro badan oo meesha laga qaaday waxay muujinayeen baabuur gubanayso, guryo burbursan iyo mayd waddada daadsan.
Iraan waxay taageero u fidisaa ururka Xisbullah ee dalka Lubnaa, kaas oo ciidammo u diray dalka Suuriya si ay xoojiyaan dowladda madaxweyne Bashar Al Asad.
Wararka qaar ayaa sheegayo in hal qarax uu gaystay qof ismiidaamiyay, qaraxa kalena uu ahaa baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa. Warkan lama sugi karo.
Dowladda Suuriya ayaa cambaaraysay qaraxa. Dagaalka Suuriya ayaa kiciyay xiisad ku dhisan qaabka madhabta oo u dhexeeya Shiicada iyo Sunniyiinta.