Sawirro naadir ah oo muujinayo Libya xilligii Qadaafi

18 Nofembar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 16:37 SGA 13:37 GMT

Swirro dhif ah oo muujinayo Libya xilligii Qadaafi
Sawirradan waxay muujinayaan Qadaafi oo wiil yar ah dhowr sano kaddib markii u afgembi ku qabsaday xukunka dalka.
Sawirkan waa boqorkii uu Qadaafi xukunka afgembi uga tuuray. Fartiisa ayaa hoos ku qoran, oo waxaa laga qaaday sawir uu isaga u dhiibay boqorka dalka Maroko.
Qadaafi waxaa uu aad uga heli jiray hoggaamiyihii hore ee Masar Jamal Cabdinaasir, oo sawirkan ka muuqdo isagoo ku sugan fagaaro ku yaalla magaalada Benghazi.
Muddaddi 42-da sano oo uu Qadaafi xukunka hayay, waxaa uu kolba xiriir nooc ah la yeelanayay madaxda adduunka. Billawgii waxaa uu doonayay inuu Carabta mideeya. Sawirkan waxaa uu muujinayaa Qadaafi oo la socda madaxweynayaasha Suudaan iyo Masar oo dadweyne badan u sacab tumayaan.
Kaddib dhowr sano oo Qadaafi isku dayay in uu Carabta mideeya ayaa wixii ka dambeeyay 1990-kii waxaa uu u leexday dhanka Afrika.
Qadaafi waxaa laga necbaa waddamada reer galbeedka, oo waxaa uu taageeri jiray ururrada ka jiray Ireland iyo Falastiin
Sanadkii 1977, Qadaafi waxaa uu ku dhawaaqay kacdoonkii dadweynaha oo u horseedday in dadka si weyn loo cabburiyo
Sawirkan waxaa laga helay xaruntii hore ee sirdoonka Libya.