Soo dejiso qalabka wax-ku-dhageysiga ee hoose

Muuqaal tayo sare leh mp3 (7.4 Mb)

Edna Somaliland ayay isbitaal ka furtay

24 Oktoobar 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 22:05 SGA 19:05 GMT

Edna Adan

Edna adan ismaaciil waxay tahay ruux dumar ah oo ka dhex muuqatay bulshada soomaalida, isla markaana ku guuleysatay in wax u qabato dadkeeda iyadoo Isbitaal weyn ka dhistay magaalada Hargeysa .

Isbitaalkaasi oo shaqeynaayay tobankii sano ee u danbeeyay waxaa si gaar ah uu xooga u saaraa dhalmada iyo daaweynta hooyada . in ka badan 14,000 caruur ah ayaa ku dhashay cisbitaalkaasi iyadoo lagu daweeynay bukaan gaadhaya ilaa 16,000 qof , sida Edna sheegtay .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay cisbitaalka Edna Hospital oo halkaas ku wareystay Edna adan Ismaaciil.