Sawirro: Baarlamaanka Britain oo diiday dagaalka Suuriya

30 Agoosto 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 11:19 SGA 08:19 GMT

Baarlamaanka Britain oo diiday dagaalka Suuriya
Dibedbaxyo looga soo horjeeda dagaalka oo ka dhacay dibedda aqalka baarlamaanka Britain ka hor inta aysan billaban dooddii uu baarlamaanka ku diiday in Britain ay qeyb ka noqoto dagaalka Suuriya.
Xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Britain ayaa ka tegaya aqalka looga taliyo Britain ee Downing Street
Wasiirka arrimaha dibedda ee Britain William Hague iyo wasiirka dhaqanka Maria Miller ka hor inta aysan gaarin baarlamaanka oo ka doodayay dagaalka Suuriya
Isbahaysiga "joojiya dagaalka" ayaa qabtay dibedbaxyo looga soo horjeeday in faragalin militeri lagu samaayo Suuriya
Ra'iisalwasaaraha Britain David Cameroon oo ka hadlaya baarlamaanka bartamaha London. Waxaa uu ku guuldarraystay in uu ku qanciyo mudanayaasha baarlamaanka inay u codeeyaan dagaal ka dhan ah Suuriya.
David Cameroon ayaa ku dooday in loo baahan yahay in tallaabo laga qaado dowladda madaxweyne Bashar Al Asad oo lagu eedeeyay inay adeegsatay hubka kiimikada.