Sawirrada xaaladda Masar dilkii kaddib

16 Agoosto 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 09:06 SGA 06:06 GMT

Xaaladda Masar dilkii kaddib
Muqaalka Raabaca al-Caddawiyah oo ah halka ay ku muddaaharaadayeen taageerayaasha Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.
Militeriga Masar oo ilaalo ka haya meel u dhow masjidka Raabaca al-Caddawiyah oo ah goobti ay ku sugnaayeen dibedbaxyada ugu tirada badnayd ee lagu taageersanaa Mursi.
Dadka qaar oo tegay masjidka Raabaca al-Caddawiyah oo uu ka muqda burbur ballaaran.
Hooyo ka xun dilka gabadheeda oo ka mid ahayd dadkii lagu dilay dibedbaxyadii lagu taageersanaa Mursi ee militeriga xoogga u adeegsadeen.
Burburkii ka dhashay dibedbaxyadii xoogga lagu kala diray ee lagu taageersanaa Mursi.
Shaqaalaha dowladda hoose oo nadiifinaya burburkii ka dhashay Raabaca al-Caddawiyah.
Dad la beerdilaacay aragga maydka qaraabadooda oo la geeyay masaajid ku yaalla bariga Qaahira. Dowladda ayaa sheegtay in dadka dhintay ay gaarayaan 600, Ikhwaanul Muslimiinka waxay leeyihiin tirada 2,000 way ka badantahay.