Rabshadaha ka dhacay Masar

15 Agoosto 2013 Markii ugu danbaysay ee la cusbooneysiiyay 07:34 SGA 04:34 GMT

Rabshadaha ka dhacay dalka Masar
Ciidanka boliiska oo hareereeyay qaar ka mid ah taageerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamad Mursi.
Taageerayaasha Mursi oo ku dhawaaqaya halkudhagyo iyagoo ay ishortaagan yihiin ciidanka boliiska.
Mid kamid ah taageerayaasha Mursi oo digsi ku gabanayo iyadoo boliisku ay xabado ku soo ridayaan.
Taageerayaasha Mursi oo ka qeybqaadanaya iskahorimaadyada u dhexeeyay iyaga iyo boliiska.
Burburkii ka dhashay xoogga ay boliisku ku kala direen dibedbaxyadii ay dhigayeen dadkii taageersanaa Maxamad Mursi
Tageerayaasha Mursi oo ka baxsanayo sunta dadka kaga ilmaysiisa oo ay soo ridayeen ciidanka boliiska.
Ciidanka boliiska iyo militeriga oo u diyaar garoobaya inay weerar ku qaadaan taageerayaasha Mursi
Taageerayaasha Mursi oo dhagaxaan ku tuuraya ciidanka boliiska.
Nin ka xun dhimashada mid kamid ah dad tira badan oo ku dhintay rabshadahii ka dhacay Qaahira.