BBC navigation

Kufsiga oo ku batay Somaliland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Abriil, 2013, 15:17 GMT 18:17 SGA

Media Player

Saddexdii bilood ee ugu horaysay sanadkan inta la diiwaan galiyay Hargaysa oo dhaqtarka la keenay waa siddeetan kufsi oo u badan carruur.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Toddobaadkan gudahiisa waxaa isbitaalka la keenay laba carruur oo la kufsaday oo toddobo iyo lix jir ah. Saddexdii bilood ee ugu danbaysay wuxuu isbitaalka diiwaangaliyay siddeetan qof oo la kufsaday oo u badan carruur.

Aad ayuu u kordhay kufsiga oo sanadkii hore inta la diiwaan galiyay ay ahayd 182 kufsi. Kufsiga ayaan laga hadlin bulshada Soomaalida dhexdeeda, mana jiro sharciyo adag oo ilaalinaya ammaanka dumarka Soomaalida.

Waxaa la soo gabagabeeyay shir ku saabsan la dagaalanka kufsiga oo ururada xuquuqda biniaadanka ay soo qabanqaabiyeen. Gudoomiyaha gudiga sare ee ilaalinta xuquuqda bini'aadanka Fatxiya Xaaji Xuseen Jaahuur ayaa uga warantay kufsiga soo batay wariyaha BBC Axmed Saciid Cige.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.