Simmonds oo ka hadlay shirka London

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Maarso, 2013, 15:47 GMT 18:47 SGA

Media Player

Wasiirka dowladda Britian u qaabilsan qaaradda Afrika Mark Simmonds ayaa kulan la yeeshay Soomaalida UK si uu wax uga ogaado aragtidooda ku wajahan shirka Soomaalida ee London ee la qaban doono bisha May.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Wasiirka UK ee Afrika, Mark Simmonds waxa uu u warramay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale

Wasiirka dowladda Britian u qaabilsan qaaradda Afrika Mark Simmonds ayaa kulan la yeeshay Soomaalida UK si uu wax uga ogaado aragtidooda ku wajahan shirka Soomaalida ee London ee la qaban doono bisha May.

Wasiirka oo wareysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay inuu doonayo in marka hore uu oggaado fikradahooda, waxay la tahay inay noqoto muhiimadda shirka iyo weliba sida ay u caawin karaan horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, oo loo sameyn lahaa horumar joogto ah sida uu yiri.

Wasiirku waxa uu ka hadlay in taageeradooda ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya, isla arkaana ay xaqiijiyaan sidii taageerada beesha caalamka loo mideyn lahaa oo ay u eegi lahaayeen meelaha ay ahmiyadda siineyso dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin horumarka la sameeyay mudadii sanadka ahayd tan iyo shirkii Febraayo ee London.

Ciidanka Amisom oo uu sheegay inay qabteen hawl aad muhiim u ah oo ah buu yiri in al-Shabaab laga saaray qeybo Soomaaliya ka tirsan.

Waxaa kale oo Wasiirka UK ee Afrika, Mark Simmonds oo wax laga weydiiyay Somaliland go'aanka ay ku diiday ka soo qeybgalka shirka, uu sheegay in siyaasiyiinta Somaliland ay door wanaagsan ka cayaareen shirkii Soomaaliya ee sanadkii hore, isla markaana uu rajeynayo in sidoo kale ay sanadkanna ka soo qeyb gali doonaan.

Dowladda Britian iyo Soomaaliya ayaa si wada jir ah u guddoomin doona shir caalami ah oo ka dhacaya London 7 bisha May, kaasi oo taageri caalami ah loogu raadinayo dowladda Soomaaliya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.