Khilaaf ka dhashay doorashadii Djibouti

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Febraayo, 2013, 16:20 GMT 19:20 SGA

Media Player

Dalka Djibouti waxaa isku dheggan oo is heysta mucaaradka iyo dowladda kadib markii khilaaf uu ka dhashay natiijada doorashadii baarlamaanka ee dhawaan ka dhacday dalka. Dad badan ayaa la xirxiray oo culimo ay ku jiraan.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Doorashada Djibouti oo dhacday Jimcihii ayaa mucaaradku diidan yihiin natiijada

Dad ay ku jiraan saddex sheekh oo caan ka ah dalka Djibouti ayaa la xiray dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay tallaabo ay dowladda Djibouti ku tilmaantay in ay kaga hortagayso qalqalgalinta ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti Xasan Dharaar Hufane Jabuuti oo BBC u warramay ayaa ku eedeeyay dadkan in ay ka mid yihiin mucaaradka oo doonaya in uu qalalaase in ay abuuraan.

Laakiin waxaa dhinaca kale BBC u warramay Ismaaciil Geedi Xareed oo ka mid ah madaxda Isbahaysiga mucaaradka ee USN oo ku tilmaamay hadalka dowladda mid aan waxba ka jirin.

Ismaaciil waxa uu sheegay in aanay ku qanacsaneyn natiijada doorashada isla markaana ay maxkamadda kaga dacwoon doonaan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.