Baraf badan oo saameeyay Maraykanka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 11 Febraayo, 2013, 22:58 GMT 01:58 SGA

Baraf badan oo saameeyay Maraykanka

  • Baraf badan ayaa ka da'ay waqooyi bari Maraykanka iyo Canada kaasoo joojiyay dhamaan socdaalkii. In ka badan 60 CM oo baraf ah ayaa ka da'ay gobolo badan.
  • Baabuur badan ayaa ku xayirantay meelo badan New York kuwaasoo xayiray jidadkii. Darawalo badan ayaa ka tagay baabuurtooda, qaar kalena baabuurta ayay ku jiraan.
  • Jidka Fifth Evenue ee New York ayaa xayirmay. Baabuurta barafka ayaa jidka nadiifinaysa. Duqa magaalada ayaa kula taliyay in dadka guryahooda ay joogaan ilaa jidka barafka uu ka yaraado.
  • Magaalada Boston ee Maraykanka ayaa baraf badan uu ka da'ayaa. Saadaalinta Hawada ayaa sheegtay in lafilayo baraf 0.9m ah.
  • Ganacsatada tukaamada ayaa aad ugu dadaalay inay furaan tukaamadooda iyadoo barafka uu qariyay dhismaha.
  • Magaalada Toronto ee Canada ayaa ka mid ah meelaha uu barafka badan uu ka da'ayo oo xayiraado badan keenay.
  • Dabaylo aad u badan oo barafka la socda ayaa dhib ka dhigay xaalada.
  • Geedo badan ayaa soo dhacay dabaysha awgeed gobolka Massachusetts.
  • Malaayiin qof ayuu saameeyay barafka iyadoo dad badan ay yihiin koronto la'aan sida magaalada New Jersey.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.