BBC navigation

Ghana iyo Maali oo soo baxay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 3 Febraayo, 2013, 00:07 GMT 03:07 SGA

Koonfur Afrika Vs Mali

Kooxda dalka Mali, ayaa u gudubtay wareegga semifinalka kadib markii rigoorayaal ay kaga badisay kooxda martigalinaysa cayaaraha ee dalka Koonfur Africa, ee Bafana Bafana.

Cayaarta ayaa guud sagaashanka daqiiqo ee caadiga ah iyo sodon lagu darayba waxay ku dhamaatay 1-1.

Bilowgii cayaartaba kooxda Koonfur Africa waxay weerar culus ku qaaday goolka kooxda Mali, iyadoo Mali inta badan ku jirtay difaac, ayaa ugu dambayntii daqiiqadii 30aad uu cayaaryahanka South Africa Tokelo Rantie uu kubad soo dhaaftay difaaca Mali iyo xitaa lab aka mid ah weerarka Koonfur Africa ayuu shabaqa ku hunsaday.

Fursado kale ayaa soo maray labada koox, siiba kooxda koonfur Africa oo weerarkoodu uusan kala go’ lahayn. Balse qaybtii hore waa lagu kala nastay.

Cayaaryahanka Majoro ayaa Koonfur Africa badal ugu soo galay qaybta hore oo shan daqiiqo ay ka dhiman tahay kadib markii uu dhaawacmay cayaaryahanka goolka dhaliyay Tokelo Rantie.

Qaybtii hore ee cayaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminayso kooxda Koonfur Africa ee dalkeeda lagu cayaarayo.

Daqiiqadii konton iyo lixaad ayaa fursad uu helay cayaaryahanka Majoro balse goolhayaha ayaa kagasoo hormaray Kabtanka kooxda Mali, Seydou Keita ayaa daqiiqadii 58-aad madaxa si fududu dabamariyay Khune Itumeleng, Cayaartuna noqotay 1-1.

Goolkaas barbardhaca ayaa muddo daqiiqado ah aamusiyay taageerayaasha kooxda Koonfur Africa.

Waxaa sagaashankii daqiiqo ee waqtiga caadiga ah labada koox isla dhaafi waayeen 1-1.

Maadaama ay yihiin cayaaraha loogu soo baxayo semifinal-ka waa in labada koox mid ay badisaa, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah.

Si kastaba, sodonkii daqiiqaba iyadoo aan goolal la kala dhalin ayay dhamaatay.

Ugu dambayntii in rigoorayaal lagu kala saaro labada koox ayay noqotay.

Kooxda Koonfur Africa ayaa laba rigoore oo ka mid ah sadexdii ugu horeysay iska qasaarisay halka Mali ay sadexda dhaliyeen.

Sadex iyo hal ayay kala heleen rigoorayaasha sidaasina ay Mali ugu gudubtay tartanka semifinal-ka waxay kula cayaari doontaa Kooxaha Ivory Coast iyo Nigeria tii soo adkaata.

Ghana Vs Cape Verde

Cayaarta hore ee sideedda koox waxay dhexmartay Kooxda dalka Ghana oo noqotay tii ugu horaysay ee u soo baxda semifinal, wareegga sadexaad ee afarta koox ee kaliya isugu soo haraan.

Kooxda Cape Verde, waxay Ghana ku celisay nuskii hore ee cayaarta 0-0.

Balse daqiiqadii 54 ayaa rigoore uu garsooruhu u dhigay Ghana waxaa u soo baxay si uu u laado Mubarak Wakaso, oo badal ku soo galay oo dhexda goolka kubadda ku aadiyay, iyadoo goolhayaha Cape Verde uu dhanka bidix u booday, balse kubaddu shabaqa cuskatay.

Goolkaas ayay Ghana ku hogaaminaysay cayaarta balse xaragadii iyo gacan ku hayntii kubadda waxaa kala wareegtay kooxda Cape Verde ilaa laga gaaray daqiiqadii 90 ee dhamaadka cayaarta.

Isla Mubarak Wakaso, ayaa ka faa’iidaysta kubadda koone ahayd oo kooxda Cape Verde ay heshay markii goolhayahoodu ka qaybgalay weerarka oo is yiri waxba ma harin culayska ku badi kooxda Ghana, balse Ghana oo kubadda iska soo saartay ayaa Mubarak Wakaso iyo shabaqa kooxda Cape Verde ay isku soo hareen inkastoo uu daba ordayay cayaaryahanka ka tirsan difaaca Cape Verde.

Waxay cayaartuna ku soo gabagabowday 2-0 ay Ghana ku adkaatay.

Ghana waxay la cayaaraysaa cayaarta beri Burkina Faso iyo Togo tii soo adkaata oo ay ku kulmayaan cayaarta semifinlka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.