Siilaanyo: Soomaaliya dowlad nooma ahan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 30 Janaayo, 2013, 11:54 GMT 14:54 SGA

Media Player

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aanay dowlad u ahayn isla markaana xukumin Somaliland. Somaliland oo goosatay 1991 weli ictiraaf caalami ah ma helin.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hadal ka jeediyay labada aqal

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aanay dowlad u ahayn isla arkaana xukumin Somaliland.

Hadalkan ayaa Madaxweynuhu waxa uu ka sheegay mar uu maanta khubda u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin horumarinta wax uu ugu yeeray dalkeena iyo sidii aan aqoonsi uga heli lahaayeen dunida.

Siilaanyo waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ay u sheegayaan inay tashadeen oo aanay jirin cid jujuubi karta.

"dowladda cusub ee Soomaaliya waxaan jeclahay inay noo dhaxeyso cilaaqaad wanaadgsan." ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in ictiraafka Mareykanka ee Soomaaliya aanay quseyn Somaliland.

Siilaanyo waxa kale oo uu sheegay inuu ka xun yahay go'aanka dowladda Britain ee ahaa inay ka soo baxaan dadka reer galbeedka ah Somaliland, halis ammaan darro awgeed, oo uu ku tilmaamay mid lagu degdegay.

Somaliland oo goosatay sanadkii 1991 weli ictiraaf caalami ah ma helin.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.