Xukuumadda cusub ayaa la dhaariyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Novermber, 2012, 14:36 GMT 17:36 SGA

Media Player

Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta loo dhaariyay xafiiska munaasabad ka dhacday guriga umadda ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka maqnaa Wasiirka Arrimaha Dibedda oo safar dibedda ugu baxday.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada dowladda Soomaaliya

Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta loo dhaariyay xafiiska munaasabad ka dhacday guriga umadda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhaarta xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxa goobjoog ka ahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha.

Waxa ka maqnaa 10 xubnood oo aan la dhaarin Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, oo shalay la sheegay in safar dibedda u baxday.

Wasiirada cusub ayaa waxa lagu dhaariyay kitaabka Quraanka Kariimka, iyada oo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo hadlay kadib markii la dhaariyay wasiirada ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisu ay xushmeyn doonto go'aannada baarlamaanka, uuna la tashan doono mar walba oo ay wax ku adkaadaan.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah, oo caddaalad ku jiryo ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.