Saacid: Waxaan ku doortay in aan gaarno isbeddel deg deg ah

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Novermber, 2012, 19:45 GMT 22:45 SGA

Media Player

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in baarlamaanku ansixiyey xukuumaddiisa. Waxa uu sheegay in tirada kooban uu ku doortay isbeddel deg deg ah in la gaaro.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon

Raiisul Wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC ku sheegay in uu ku faraxsan yahay in baarlamaanak Soomaaliya ay ansixiyeen xukuumaddiisa.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay go'aanka ay xildhibaannada ku taageereen dowladiisa oo uu sheegay in tirada sabab uu u yareeyay ay tahay sidii ay isbeddel deg deg ah u keeni lahayd.

Raiisul Wasaare Saacid, waxa uu sheegay in markii uu eegay duruufta Soomaaliya iyo dhaqaalaha dalku heysto ay qasab ku noqotay dowlad kooban.

Waxa kale oo uu ka hadlay sababta uu uu xukuumaddiisa ugu soo daray, Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeedda Somalilan.

Raiisul Wasaaruhu waxa uu yiri "aniga ma qabo in Fawsiya ay ku jirtay kala go'a, oo ay olole gaar ah gashay waxaan arkay dastuurka xisbigeeda"

Waxa uu sheegay in sabab uu uga shakiyo aanay jirin Fawsiya iyo dadka kale ee ka tirsanaa jabhaddii SNM.

Raiisul Wasaaruhu waxa kale oo uu ka hadlay maamul u sameynta magaalada Kismaayo oo uu sheegay in ay dowladdu ka soo saartay qoraal siyaasadeed oo waafaqsan dastuurka, kaasi oo ah in ay ku taageeraan dadka degaanka inay maamul sameystaan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.