Magacaabista Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Novermber, 2012, 22:56 GMT 01:56 SGA

Media Player

Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo loo magacaabay Ra'iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha dibedda ayaa BBC uga warrantay sida ay u aragto iyo Somaliland oo ka hadashay mowqifkeeda.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan waa haweeneydii ugu horreysay ee xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda qabata

Soomaaliya waxaa markii ugu horreysay taariikda ay yeelatay Ra'iisul Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ah haween, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Fawsiya waxa ay ka mid tahay toban xubnood oo ah Golaha Wasiirrada cusub ee Soomaaliya.

Waxa ay ka soo jeeddaa Somaliland, oo ay ka aasaastay urur siyaasadeed, laakiin aan ku soo bixin diiwaangelinta.

Wareysi ay BBC siisay ayaa waxa ay kaga hadashay sida ay u aragto xilka loo magacaabay, waxaana ay sheegtay in Somaliland iyo Soomaaliya ay isugu mid u yihiin.

Laakiin waxa magacaabisteeda ka hadlay xukuumadda Somaliland oo sheegtay in aanay wax shaqo ah ku lahayn dowladda cusub ee Soomaaliya, isla markaana aanay jirin cid iyaga matasha.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.