BBC navigation

Ismariwaaga dhuxusha Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Oktoobar, 2012, 15:42 GMT 18:42 SGA

Media Player

Waxaa uu muran ka taagan yahay sida loola tacaalayo malaayiin jawaan oo dhuxul ah, taas oo ku xaraysneyd dekadda magaalada Kismaayo, halkaas oo ay maamuli jireen kooxda Al-Shabaab.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Soomaaliya waxaa uu muran ka taagan yahay sida loola tacaalayo malaayiin jawaan oo dhuxul ah taasoo ku xaraysneyd dekadda magaalada Kismaayo halkaas oo ay maamuli jireen kooxda Shabaab.

Tan ayaa waxaa ay ka dhalatay xayiraad uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogay dhuxusha Soomaaliya laga dhoofinayo sanadkan horaantiisii, iyadoo waqtigaasna ay Qaramada Midoobay sheegtay ay dakhliga ka soo baxa dhuxusha ay gacanta u gali jirtay kooxda Shabaab oo markaas maamulaysay magaalada.

Balse kadib markii Shabaab laga saaray magaalada ayaa ganacstada waxay haatan doonayaan in xayiraadaas meesha laga saaro si ay ugu yaraan u dhoofiyaan dhuxusha meesha taallo. Maxamuud Cali Maxamad ayaa warbixin ka diyaariyay arrintaasi.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.