BBC navigation

Taliye lagu dilay Beledweyne

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 31 Oktoobar, 2012, 11:49 GMT 14:49 SGA

Media Player

Taliyihii ciidamada militeriga dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu dilay magaalada Beledweyne.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Magaalada Beledweyne

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dawladda soomaaliya uu ku dhintay taliyihii milatariga Soomaaliya ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed maxamuud oo loo yiqiinay Muumin ildhigte.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ciidamo la socday taliyaha dhintay ay isku dayeen inay qaadaan isbaaro ay ciidamo kale oo ka tirsan dawladdu ay dhigteen gudaha magaalada Beledweyne hayeeshee ay diideen kooxdii isbaarada dhigatay inay halkaasi ka tagaan.

Haddaba wariyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aaden ayaa ka waraystay dhacdadaasi gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.