BBC navigation

Baaritaan lagu sameeyay Tweets-ka London

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Oktoobar, 2012, 14:18 GMT 17:18 SGA

Media Player

Tani waxay ahayd cilmi baaris madaxbanaan oo lagu sameeyay jaamacadda University College London. Muddo lix bilood ah ayaa cilmi-baarayaashu waxay qabanayeen twitter-ka laga sameeyo London ee telefoonada iyo tabletka.

Tweets laga sameeyay London marka laga reebo English waxa ugu badnaa Spanish

Tani waxay ahayd cilmi baaris madaxbanaan oo lagu sameeyay jaamacadda University College London.

Muddo lix bilood ah ayaa cilmi-baarayaashu waxay qabanayeen twitter-ka laga sameeyo London ee telefoonada iyo tabletka waxaana ay istcimaaleen barnaamij computer oo sheegaya luqadaha lagu isticmaalay.

Taasi waa 3.3 million tweets oo lagu saeeyay guud ahaan 66 luqad. 92.5% waxay ahaayeen ingiriis, laakiin waxaa la yaab lahaa arka la eegay kuwa aan ingiriiska ahayn

Luqadda ugu balaaran ee tweets lagu sameeyay waxa ay ahayd Spanish-waxaana soo raacay Faransiis, Turkish, Arabic, Portuguese iyo German.

Qariirad loo sameeyay ayaa xitaa waxa ay muujineysaa meelaha magaalada London laga diray tweets-ka.

In luqadda Spanishku u badato waxaa loo sababaynayaa inay tahay dhalinyarada faraha badan ee shaqo doonka ah ee Spanishka ah ee imanaya muddooyinkan danbe London iyo weliba dadka Latin American ee deggan caasimadda.

Faransiiska waxa uu ahaa luqadda labaad ee loogu istcimaalka badan yahay tweets magaalada London, taasina waxaa sabab u ah milyan marka saddex meel loo dhigo meel ahaan Faransiis ah ayaa deggan magaalada London.

Waxaa jiray luqado kale oo iyaguna la diiwaan geliyay laakiin isticmaalkoodu aad u yaraa sida Basque iyo Sawaaxili.

Bilowgii cilmi baaristan ayaa waxa soo baxay tweets badan oo ah Tagalog, ee dadka Philippines, oo markii danbe la oggaaday in computer si qaldan ugu xisaabinayay luqadda Philippines erayada text ee sida ha ha-ha iyo lol-lol-lol oo uu garan waayay computer una qaatay luqadda Philippines.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.