BBC navigation

Weriyihii 16aad oo lagu dilay Laas-Caanood

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Oktoobar, 2012, 19:08 GMT 22:08 SGA

Media Player

Weriyaha Xalay lagu dilay magaalada Laas Caanood Axmed Faarax Ilyaas waxa uu u shaqeynayay telefishinka ku hadla af Soomaali oo la yiraahdo Universal.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Axmed Faarax Ilyaas waxa uu u shaqeynayay Universal TV

Weriyaha Xalay lagu dilay magaalada Laas Caanood Axmed Faarax Ilyaas waxa uu u shaqeynayay telefishinka ku hadla af Soomaali oo la yiraahdo Universal.

Allaha u naxariistee waxa uu Axmed Rag hubeysan ku toogteen xalay magaalada Laas Caanood oo shalay qarax uu ka dhacay.

Waxaan haddaba ka wareysanay sida waxa u dheceen In jineer Axmed Abuubakar, oo ah Agaasimaha Maamulka Telefishinka Universal., Cabdiraxmaan Koronto ayuu telefonka ugu warramay.

Waxaa uu sheegay in aan la garanaynin cidda rasmiyan ka dambaysa dilka, balse Soomaaliya oo dhan weriyayaasha lagu bartilmaameedsaday oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Gaalkacyo iyo gobolo kale oo Soomaaliya ah.

Agaasimaha Universal, wuxuu sheegay in dilkan uu sababo badan salka ku hayn karo, oo ay ka mid yihiin khilaafka ka dhaxeeya Somaliland iyo kooxaha halkaas ka jira, waxaa kaloo uu noqon karaa arrin shaqsi.

Axmed Abuubakar, ayaa sheegay in hadda ay ka war sugayaan baaritaanka maamulka Somaliland ee ku aadan dilka weriye Ahmed Faarax Ilyaas.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.