Giulio Terzi oo booqday Muqdisho

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Oktoobar, 2012, 19:42 GMT 22:42 SGA

Media Player

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay booqashada wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga, Giulio Terzi ee Muqdisho inay tahay bilowga soo nooleynta xiriirka labada dal.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamed iyo Wasiirka Dibedda Talyaaniga, Giulio Terzi

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay booqashada wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga, Giulio Terzi ee Muqdisho inay tahay bilowga soo nooleynta xiriirka labada dal.

Madaxweynaha ayaa wafdiga wasiirka arrimaha dibedda ku qaabilay magaalada Muqdisho.

Kulanka kadib ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirka arrimaha dibedda Talyaanigu ay la hadleen saxaafadda.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxa uu sheegay in uu rajeynayo in dadka Soomaaliyeed ay arki doonaan dowladda iyo dadka Talyaaniga oo nala qeybsada hawsha baaxadda leh ee dib u dhiska dalka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga, Giulio Terzi ayaa isna sheegay in uu Madaxweynaha u xaqiijiyay sida dhabta ee ay dowladdiisa uga go'an tahay xiriirka iskaashi ee labad dal iyo sidii Soomaaliya ay horumar u gaari lahayd.

Wafdiga wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaaniga, Giulio Terzi ayaa ah kii ugu sareeyay ee ka socda dowladda Talyaaniga ee booqda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho muddo labaatan sano ah.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.