Qaraxyo ka dhacay Laas-caanood

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Oktoobar, 2012, 20:14 GMT 23:14 SGA

Media Player

Afar qof oo saddex ka tirsan yihiin ciidamada ayaa ku dhaawacmay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Magaalada Laas caanood ayaa intii muddo ah deganeyd

Afar qof oo saddex ka tirsan yihiin ciidamada ayaa ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay magaalada Laas-Caanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxda gobolka ayaa ku eedeeyey kooxda Islaamiyiinta ee alShabaab inay ka dambeysey qaraxaasi, laakiin ilaa iyo haatan lama xaqiijin karo sheegashadaasi.

Guddoomiyaha gobolka Sool Maxamed Axmed Cali (Geelle) ayaa waxa uu BBC u sheegay inay koox uu ugu yeeray argagaxiso ay xalay dhigeen laba goobood oo ku yaal bartamaha magaalada waxyaabaha qarxa.

Waxa uu sheegay inay ciidanka ammaanka ku guuleysteen inay furfuraan mid ka mid ah walxahaasi.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay inay hayaan dad lagu tuhunsan yahay weerarka.

Magaalada Laas-Caanood ayaa muddo sannad ku dhow aanay ka dhicin falalkan oo kale iyadoo ay caan ku ahayd dilal qorshaysan iyo qaraxyo.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.