Sawirro xiiso leh

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Oktoobar, 2012, 19:15 GMT 22:15 SGA

Sawirro xiiso leh

  • 1) Haweeney wajiga marsatay jeeso dalka  Togo - Jimce 5 October 2012
    Haweeney ka qaybgalaysa dibadbaxyo ku baaqaya iscasilaanadda madaxwaynaha Togo Faure Gnassingbe, oo horay eegaysa kadib markii booliisku suntan dadka ka ilmaysiisa adeegsadeen caasimadda, Lome, maalintii Jimcaha. Wajiga ayay marsatay budada jeesada si ay gaaska jirkeeda uga difaacdo
  • Nin Somaali ah oo ku sugan  Wanla Weyn wuxuu rinji dulmarinayaa qoraal af-Carabi ah - Khamiis 11 October 2012
    Maalintii Khamiista, nin jooga magaalada Wanla-wayn eeSoomaaliya oo dhowaan ay ka maleeshiyada Islaamiga ah, wuxuu rinji dul-marinayaa qoraal lagu xusayay Saleh Ali Saleh Nabhan, oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha al-Qaeda ee bariga Africa oo lagu dilay weerar circa ah oo Maraykanku ka fuliyay sanadkii 2009.
  • Nin Soomaali maleeshiyo ah oo timaha ku jaranaya timajare ku yaalla Kismaayo - Axad 7 October 2012
    1) Horaantii todobaadkan, Axad, Dagaalyahan Soomaali ah oo ka tirsan maleeshiyada taageerta dowladda ee Raas Kambooni oo timaha jarana magaalada koonfureed ee dekedda ah ee Kismaayo, magaalo kale oo dhowaan laga qabsaday kooxda al-Qaeda xiriirka la leh.
  • 1) Askarta Uganda oo ay diyaarad dul duulayso. - Tallaada 9 October 2012
    Diyaaradaha Uganda oo dul duulaya dhoolatus military caasimadda Kampala, maalintii Tallaadada – sanadguuradii 50-aad ee xornimada dalka Uganda markii uu ka qaaday England.
  • 1) Aaska madaxwaynihii hore ee Algeria Chadli Bendjedid – Isniin  8 October 2012
    Maalin ka hor naxashka maydka madaxwaynihii hore ee Chadli Bendjedid oo la saaray baabuur military intii lagu jiray baroordiiq ka dhacaysay caasimadda Algiers.
  • Markabka dagaalka Libertad oo ku sugan Dekedda Tema ee, Ghana - Khamiis 11 October 2012
    Saraakiil ka tirsan markabka Libertad ee sita calanka Argentina, oo taaga dekedda Tema ee bariga caasimadda Ghana Khamiis. Maalintaas, xaakim dalka Ghana ah ayaa diiday in markabka uu dekedda ka dhaqaaqo, waxaa loo joojiyay kadib markii saraakil Argentine ah ay dalbadeen .
  • Nin Kalluumayste Masaari ah oo ku sugan  Benghazi, Libya – Khamiis  11 October 2012
    Isla Khamiistii, nin kalluumaysato ah Masri ah oo ku sugan dekedda Benghazi ee Libya, wuxuu isku diyaainayaa kalluumaysi badda Mediterranean.
  • kalluumaysato joogta Soumdedioune, Senegal - Khamiis 11 October 2012
    Subaxaas Kalluumaysata ayaa isku diyaainaya in ay badda galaan dekedda kalluumaysiga Soumdedioune ee dalka Seneal. Todobaadka ayaa warbixinta aasaaska caddaaladda bii’ada ay sheegtay in galbeedka Africa uu leeyahay heerarka ugu sareeya kalluumaysiga sharci darada ah – iyadoo maraakiib burcad ah ay wixii ay soo qabtaan u dhoofiyaan Europe.
  • Tartame ku sugan Bandhigga Khar Bii iyo wankiisa gudaha dalka Senegal - Sabti 6 October 2012
    Caasimadda Senegal's ee Dakar, Sabti, Nin iyo neefkiisa ayaa sugaya garsoorayaasha in uu ku dhawaaqo cidda ku guulaysata is reereebka gobolka ee tartanka idaha ee Khar Bii oo telefishinka laga sii daayo. Bandhigga ayaa ah mid la mid ah nooca Idol ee Maraykanka oo lagu raadiyo Idaha ugu wanaagsan wadankan galbeedka Africa.
  • Gabar wadada wax ku iibisa magaalada Lagos, Nigeria - Khamiista 11 October 2012
    Gaba rjooga Nigeria magaalada Lagos oo cabitaan fudud doonaysa in ay ka iibiso bas taagan maalintii Khamiista, waa maalintii ugu horaysay ee caalami ah oo Qaramada Midoobay ay qaabaysay ee gabdhaha yar yar. Waa maalin loogu talogalay in lagu aqoonsado xuquuqda gabdhaha, dhibaatooyinka horyaalla iyo takoorka ay wajahaan
  • Dibedbaxayaasha ayaa ku baaqaya faragalin military waqooyiga dalka Mali – Khamiis - Thursday 8 October
    Isla maalintaas, dhowr kun oo dad ah oo ku sugan caasimadda Mali ee Bamako, iyagoo dalbanaya faragalin military oo deg deg ah waqooyiga dalka gobolka Ecowas. Tabeelayaashooda ayaa cambaaraynaya xoogaga Islaamiyiinta ah ee qabsaday waqooyiga dalka Mali kadib afgambi military oo horaanta sanadkan ka dhacay dalkaas.
  • 7 jir-ka Deng oo ku sugan xarunta dib u dajinta ee Juba Sudan-ta Koonfureed – Arbaca 10 October 2012
    Qof adimaha go’an oo 7 sano jir ah dalka Sudan-ta Koonfureed waxaa uu ku cayaarayaa kubadda tennis ah xarunta dib u dajinta ee magaalada Juba maalintii Arbacada. Waxaa lugtu ka go’day isagoo afar jir ah kadib markii miino uu ku cayaarayay ay ku qaraxdan, iyadoo dishay hooyadii.
  • Haweenay irbad duriin diyaarinaysa Iskuul umuliso ee Sudanta koonfureed ee El Daein, bariga Darfur, Sudan - Isniin 8 October 2012
    Isniintii dalka deriska ah Sudan,Haweenay ayaa isku diyaarinaysa duriin bariga Darfur oo olole tallaal uu ka socda oo ka dhan ah meningitis hoping to target 16.9 million children and adults across the country.
  • Ubaxyo ka baxa duurtka magaalada , South Africa - Arbac 10 October 2012
    Ubax ka baxay duurka meel u dhow Darling oo ku taalla daafaha magaalada Cape Town ee Koonfur Africa- waxaa la sawiray Arbacadii. Kumanaan dalxiisayaal ah ayaa booqday gobolka xeebta galbeed sanad walba si ay u daawadaan ubaxyadan.
  • Heesaaga dalka Conto M'bilia Bel oo ku sugan Kinshasa, DR Congo - Khamiis 11 October 2012
    1) : Maalinta xigtay, heesaaga M'bilia Bel, oo loo yaqaan boqoradda Congo rumba, ayaa heesaysa xilli ruwaayad ka dhigayso garoonka cayaaraha ee Shahiidiinta ee magaalada Kinshasa, caasimadda Jamhuuriyadda Demoqraadiga ah ee Congo, oo martigalinaysa shirka wadamada Francophonie – Waa kulan ay yeeshaan hogaamiyayaasha dalka ku hadla afka Faransiiska.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.