Waxay ila tahay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 14 September, 2012, 17:36 GMT 20:36 SGA

Media Player

Soomaaliya waxay yeelatay Madaxweyne cusub, maxaad ka fileysaa inuu qabto?

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Farxaan Maxamed Jimcaale oo tabinaya barnaamijka waxay ila tahay ee BBC Soomaali

Barnaamijkan waxay ila tahay waxa aanu ku faaqidi doonaa Soomaaliya Madaxweyne cusub ayay yeelatay, maxaa xiga? Maxaa hor yaalla Madaxweynaha cusub?
Marka laga tago ammaanka arrimaha ugu muhiimsan ee uu qabanayo maxay kula tahay inuu qabto Hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya, Madaxweynaha la doortay Xasan Shiikh Maxamuud?

Maxaa kale oo aad is dhihi lahayd waa inuu qabto Madaxweynaha 100 maalmood ee ugu horreeya ee xafiiska uu hayo.

Muxuu mudada afarta sano ah ka qaban karaa xagga garsoorka, shaqo abuurista, kaabidda dhaqaalaha, dib u dhiska, dib u heshiisiinta, iyo saxaafadda xorta ah?

Suurta gal ma tahay in garsoor caddaalad ku dhisan la gaaro muddo kooban?

Dib u heshiisiinta sidee ayuu u wajahayaa ayaad is leedahay?

Soomaaliya dhaqaale ahaan isma bixin karto waa waddan sabool ah xagee dhaqaaluhu ka imanayaa?

Su'aalahaasi ayaa dhageystayaashu kaga hadlayaan barnaamijkan Waxay ila tahay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.