Orodyahanka ku guuleeystay labada billadood ee dahabka Mo Faarax ayaa BBC uga warramay labada gabdhood ee mataanaha ah ee dhawaan u dhashay.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Mo Farah iyo xaaskiisa
Orodyahanka ku guuleeystay labada billadood ee dahabka Mo Faarax ayaa BBC uga warramay labada gabdhood ee mataanaha ah ee dhawaan u dhashay.
Mo Faarax oo u warramayay Laanta Af-Soomaaiga ee BBC ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in laba gabdhood ay u dhashaan.
Waxa uu sheegay in habeenkii ay xilli danbe soo kiciyaan, oo xillina uu isagu hayo, marna xaaskiisa.
Cayaartooyga MO Faarax ayaa waxa uu markii uu ku guuleystay labada billadood ee dahabka uu sheegay in uu u hibeynayo labadiisa gabdhood ee dhalan doona.
Mo Faarax ayaa waxa uu adeer u ahaa gabar yar oo la yiraahdo Rihanna, oo xaaskiisa ay dhashay.
Mo Faarax oo 29, jir ah waxa uu jabiyay rikoorkii u yaalay cayaaraha Britain.
Mr Faarax, oo ku dhashay Soomaaliya waxa uu yimid dalkan Britain isaga oo 8 jira ah.
BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.