BBC navigation

Maxay ka yaqaanaan Soomaaliya?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 September, 2012, 14:17 GMT 17:17 SGA

Media Player

Waaya aragnimada carruurta Soomaaliyeed ee ku dhashay qurbaha intii dagaalladu ka jireen dalka.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Iimaan Axmed Caddare waxa ay ku dhalatay London, Soomaaliya waxa ay tagtay hal mar.

Waa markii ugu horreysay ee doorasho lagu qabto dalka gudihiisa tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Haddaba intii ay dagaalladu socdeen waxaa dalka ka qaxay malaayiin qof oo Soomaali ah.

Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee ku yaal waddanka Kenya oo ah kuwa ugu ballaaran adduunka ayaa waxa ku jira oo keliya nus milyan qof, iyadoo qaar badan oo kalena ay u qaxeen oo qaxooti ay ku yihiin dalalka Ethiopia, Djibouti, Yemen, dalal kale oo Carabta ah, iyo Yurub iyo Mareykanka.

Waxaa mudadaas ku dhashay ama ku barbaaray qaxootinimadaasi boqolaal kun oo carruur Soomaaliyeed ah.

Waxaa ka mid ah saddexdan dhallinyaro oo kuligood 21 jir ah, waxa ay kala yihiin Iimaan Axmed Cadarre, oo ku dhalatay magaaladatan London, Batuula Cali Isaaq oo iyana ku dhalatay xerada qaxootiga Xagar Dheer e e dalka Kenya, iyo Khadar Yusuf Maxamed oo isna qaxooti ku ah xaafadda Eastliegh ee magaalada Nairobi.

Waxaa hadalka u qeybinaya weriyaha BBC, Farxaan Maxamed Jimcaale.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.