BBC navigation

Qaabka Doorashadu u dhacayso

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 September, 2012, 18:02 GMT 21:02 SGA

Media Player

Afhayeenka guddiga doorashada Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa BBC uga warramay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo sida ay ugu diyaar garoobeen.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax Ibrahim.

Afhayeenka guddiga doorashada Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in ay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen doorashada.

Waxa uu sheegay in guddigu uu dhaqangeliyay oo uu ka soo baxay hawshii loo xilsaaray.

Waxa uu ka codsaday dhamaan Soomaalida in ay taageeraan cid walba oo ay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u doortaan Madaxweyne.

Guddigu waxa ay sheegeen in wareegga koowaad cidii 24 ka musharrax hesha saddex meelood laba meel codadka inay noqoneyso Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddii qof uu ku guuleeysan waayo wareegga labaad waxaa gelaya afarta murashax ee ugu codadka badan.

Waxaa jiri doona wareeg saddexaad haddii midkoodna uu heli waayo saddex meelood laba meel codadka, markaa wareegga ugu danbeeya waxa galaya laba qof oo keliya.

Waa markii ugu horreysay ee doorasho Madaxweyne ay ka dhacdo dalka gudihiisa tan iyo markii ay burburtay dowladdii militeriga ee Soomaaliya 1991.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.