BBC navigation

25 Musharrax ayaa u tartamaya Madaxweyne

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 September, 2012, 19:18 GMT 22:18 SGA

Media Player

Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay liiska dadka u tartamaya doorashada Madaxweynaha. Guddigu waxa ay soo bandhigeen liiska magacyada 25 xubnood oo maalinta Isniinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Afhayeenka Guddiga doorashada, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa ku dhawaaqay

Guddiga doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay liiska dadka u tartamaya doorashada Madaxweynaha, kadib markii ay gabagabeeyeen qabashada araajida.

Guddigu waxa ay sheegeen in muddo hal saac ah ay ugu dareen xubnaha araajida soo celinayay.

Waxa ay sheegeen in ay si rasmi ah u soo buuxiyeen shuruudihii madaxtinimada Soomaaliya 25 xubnood, kuwaasi oo u tartami doona doorashada Madaxweynaha ee dhici doonta 10-ka bisha Sebtember. Magacyada xubnaha waxa ay kala yihiin:

1. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyoow
2. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar Goonjeex
3. Cadbullaahi Axmed Caddoow
4. Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas
5. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo
6. Axmed Ismaaciil Samatar
7. Xasan Shiikh Maxamuud
8. Shariif Shiikh Axmed
9. Yusuf Garaad Cumar
10. Cumar Salaad Cilmi
11. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi
12. Bashiir Nuur Xasan
13. Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin
14. Cabdulqaadir Cosoble Cali
15. Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame
16. Xuseen Khaliif Jaamac
17. Maxamed Axmed Saalax
18. Salaad Cali Jeelle
19. Ibraahim Cali Xuseen
20. Saciid Ciise Maxamuud
21. Cismaan Maxamed Gacal
22. Maxamed Cabdullaahi Oomaar
23. Maxamed Cabdiweli Shiikh Yusuf
24. Maslax Maxamed Siyaad Bare
25. Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi


Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari

Shuruudaha laga doonayay dadka u tartamaya xilka madaxtinimada ayaa kala ahaa:

  • Inuu Soomaali yahay.
  • Inuu caafimaad qabo.
  • Inuu afartan sano ka weyn yahay.
  • In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn.
  • In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
  • Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
  • Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
  • Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
  • In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya.
  • In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan Sebtember.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.