BBC navigation

Somaliland oo la eedeeyay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 September, 2012, 10:08 GMT 13:08 SGA

Media Player

Hey'adda Xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa ugu baaqday maamulka Somaliland in uu si deg deg ah ku joojiyo qaxootiga Ethiopian-ka ah ee dalkoodi sida qasabka ah lagu celinayo. Somaliland waa ay beenisay eedeynta Human Rights Watch.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Ciidanka booliiska Somaliland ayaa la sheegay inay xoog u isticmaaleen dadka qaxootiga ah

Hey'adda Xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa hadal ay soo saartay waxa ay ugu baaqday maamulka Somaliland in uu si deg deg ah ku joojiyo qaxootiga Ethiopian-ka ah ee dalkoodi lagu celinayo.

Hey'addu waxay sheegtay in ciidanka booliiska Somaliland ay weerareen goobo ay degenaayeen dadkaasi oo ay ku jiraan caruur iyo haween, kuwaasi oo xoog loogu celiyay Ethiopia.

Human Rights Watch waxa ay sheegtay in taasi ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda caalamiga.

Wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Somaliland, Cismaan Garaad Soofe ayaa beeniyay warbixinta Human Rights Watch oo ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Wasiirku waxa uu qirtay inay jiraan boqolaal dad oo xoog loogu celiyay Ethiopia, kuwaasi oo uu sheegay inay si sharci darro ah ku joogeen Somaliland.

Hey'adda Human Rights Watch waxa ay sheegtay in maamulka Somaliland ay joojiyeen diiwaan gelinta dadka qaxootiga ah sanadkii 2008.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.