Shuruudaha musharaxa laga rabo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 2 September, 2012, 16:51 GMT 19:51 SGA

Media Player

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay shuruudaha looga baahan yahay dadka u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya inay soo buuxiyaan. Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa BBC uga warramay.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Afhayeenka guddiga doorashada, Cismaan Libaax Ibraahim

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay shuruudaha looga baahan yahay dadka u tartamaya madaxtinimada Soomaaliya inay soo buuxiyaan.

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta ayaa ah sidan:

  • Inuu Soomaali yahay.
  • Inuu caafimaad qabo.
  • Inuu afartan sano ka weyn yahay.
  • In xukun danbi maxkamadeed aanu lahayn.
  • In codsiga madaxtinimada uu soo gudbiyo.
  • Inuu ku soo lifaaqo 10 kun oo Dollar oo diiwaan gelin ah.
  • Inuu soo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.
  • Inuu heysto warqadda aqoonsiga in uu Soomaali yahay ama baasaboor Soomaali ah.
  • In labaatan xildhibaan ay u soo saxiixaan in uu musharax yahay qofka tartamaya.
  • In halkii xildhibaan uu u saxiixi karo saddex murashax oo keliya.

Afhayeenka guddiga doorashada Cismaan Libaax Ibraahim ayaa BBC uga warramay shuruudaha.

Guddiga doorashada baarlamaanka ayaa waxa berri uu bilaabayaa qabashada araajida musharaxiinta, taasi oo socon doonta ilaa Lixda bisha.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la qabto 10 bishan Sebtember.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.