Magaalada Hargeysa waxaa ka furmay bandhig carwo ah oo hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahi ku soo bandhigeen waxqabadkooda.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Carwada waxa lagu soo bandhigay waxqabadka hey'adaha
Magaalada Hargeysa waxaa ka furmay bandhig carwo ah oo hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahi ku soo bandhgeen waxqabadkooda.
Bandhigan sida uu BBC u sheegay wasiirka qorsheynta iyo horumarinta somaliland waxaa ka qayb galay 73 hay'adood oo degan somaliland. waa laamaha qaramada
midoobay, hay'adaha samofalka caalamiga ah iyo ururada NGO-yada wadaniga ah.
Waa markii ugu horreysay ee carwadan oo kale lagu soo bandhigo somaliland. Dr. Sacad Cali shire wasiirka qorsheyntu wuxuu sheegay in ujeedadu tahay in hay'aduhu dadweynaha tusaan waxay u qabteen , in lala xisaabtamo , iyo in la dhiirigeliyo kuwa wax qabtay.
Madaxweyne xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Zeylici oo furay carwadan ayaa ku dhiirigeliyay hay'adaha waxqabad dhab ah.
Somaliland sida wasaaradda qorsheyntu sheegtay waxaa deggan oo ka hawlgal in ku dhow laba boqol oo hay'adood oo caalami ah iyo ilaa saddex boqol oo ururo NGO-yo wadani ah.
BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.