BBC navigation

Maxay tahay dhibaatada weriyayaasha Africa?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Agoosto, 2012, 14:25 GMT 17:25 SGA

Media Player

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta qaaradda Afrika Cumar Faaruuq Cismaan iyo xubo kale ayaa kala kulmay Madaxweynaha Ghana, John Mahama oo ay kala hadleen sidii loo sameyn lahaa xeer ilaaliya suxufiyiinta qaaradda Afrika.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Xubnaha la kumay Madaxweynaha Ghana ayaa ka kala socday ururada suxufiyiinta qaaradda Afrika iyo adduunka

Guddoomiyaha xiriirka guud ee ururrada Suxufiyiinta Afrika, Cumar Faaruuq Cusmaan, oo haatan jooga dalka Ghana ayaa sheegay inay Madaxweynaha dalkaas, John Mahama, ay kala hadleen sidii madaxda ururka Midowga Afrika ay u oggolaan lahaayeen xeer lagu ilaalinayo suxufiyiinta qaaradda Afrika.

Qaaradda Afrika sanad walba ayaa dhibaatooyin kala duwan loogu geystaa suxufiyiinta, oo qaar la dilaa, qaar la xiraa, halka qaar kalena jirdil iyo hanjabaad ay kala kulmaan maamulada ka jira Afrika.

Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarto weriyayaasha ka hawl-gala.

Madaxweyne John Mahama iyo Guddoomiye Cumar Faaruuq

Soomaaliya waxaa sanadkan oo keliya lagu dilay ilaa sideed weriye, iyadoo qaar kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Waxaa jira dalal kale oo Afrika ah sida Eritrea iyo Ethiopia oo ka mid ah meelaha ay ku xiran yihiin weriyayaasha ugu tirada badan qaaradda.

Haddaba waxyaabihii ay kala hadleen Madaxweynaha Ghana, ayaa Cumar Faaruuq oo isla markaana ah Xoghayaha Guud ee ee Ururka Qararanka Suxufiyiinya Soomaaliyeed ee (NUSOJ) uu uga warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.