BBC navigation

Taariikhda Prof. Jawaari

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 28 Agoosto, 2012, 19:24 GMT 22:24 SGA

Media Player

Siyaasiga 67 jirka ah kuma cusba siyaasadda, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay uu u badnaa shaqooyin uu la la qabtay qaramada midoobay, jaamacad ku taalla Norway oo uu wax ka dhigayay iyo guddoomiye uu ka noqday guddiyo qaran oo qaabilsanaa dastuurka.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu dhashay sanadkii 1945.

Siyaasiga 67 jirka ah kuma cusba siyaasadda, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay uu u badnaa shaqooyin uu la la qabtay qaramada midoobay, jaamacad ku taalla Norway oo uu wax ka dhigayay iyo guddoomiye uu ka noqday guddiyo qaran oo qaabilsanaa dastuurka.

Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah.

Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay.

Wuxuu ka soo jeedaa oo ay isku hayb yihiin guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan oo isagu ka mid ahaa musharixiinta madaxwaynenimada.

Hase yeeshee, waxaa suurtagal ah in guusha prof Jawari ay si toos ah meesha uga saarto hamiga madaxweyninimo ee uu ahaa Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Waayo, nidaamka 4.5 ee awood qaybsiga ayaa ka hor istaagaya hogaamiyayaasha isku qabiilka ah in ay wada qabtaan sadexda xafiis ee ugu sareeya ee kala ah kan madaxwaynaha, kan ra'iisul wasaaraha iyo kan baarlamaanka.

Siciid Maxamed Caddow oo in muddo ah ahaa xoghayntii shaqsi, ayaa BBC uga waramaya qofka uu yahay Prof Jawari.

"wuxuu dhashay 1945, wuxuuna ku dhashay degmada Afgooye, wuxuu registration ka qaaday degmada Buurhakaba, wuxuu ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, waa Khabiir taqasusyo badan soo sameeyay xagga shareecada Islaamka iyo law-ga 'comprehensive Law' waa nin ka soo shaqeeyay dhowr dastuur oo Soomaaliya lahayd laga soo bilaabo 1960-kii."

Inta badan dadku way soo dhoweeyeen in uu noqday afhayeenkii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya ee lagu sameeyo gudaha dalka.

Maadaama uusan si toos ah uga qaybgalin dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya muddada hareeyay iyo isku dhacyadii qabaa'ilka, ee qaar badan Soomaalida ah ku howlanaayeen way ku caawisay in uu taageero xoog leh ku kasbado.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.