Qaar ka mid ah haweenka ayaa ka mudaharaaday maanta tirada ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ay sheegayaan inay ka yar tahay intii lagu heshiiyay ee ahayd boqolkiiba soddon.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Xubnaha baarlamaanka ee la dhaariyay ayaa waxa ku jira tiro ka yar intii dumarka loo qoondeeyay
Haweenka ayaa ka mudaharaadaya tirada ay ku yeesheen baarlamaanka cusub ee Soomaaliya oo ay sheegayaan inay ka yar tahay intoo lagu heshiiyay.
Tiro haween ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka mid ah beelaha shanta ah ee Soomaalidu ay wax ku qeybsato muddooyinkan danbe.
Weriyaha BBC uga soo warrama magaalada Muqdisho, Ibrahim Maxamed Aadan oo warbixintan ka soo diray ayaa sheegaya in haweenku aanay ku qanacsaneyn.
Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay dhaliilayaan in odoyaasha loo diray in ay soo xulaan xubnaha reeraha uga qeybgalaya baarlamaanka in aanay tixgelin siinin dumarka.
Waxa ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin inay kaalintooda ka qaataan hanaanka siyaasadda Soomaaliya.
Hey'adaha u dooda haweenka ayaa intii muddo ahba waxa ay saluugsanaayeen doorka iyo tirada dumarka ee baarlamaanka cusub.
BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.