Sawirro: Meles Zenawi

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Agoosto, 2012, 18:51 GMT 21:51 SGA

Sawirro: Raiisul Wasaarihii Ethiopia

  • Meles oo ka qeybgalaya shirka Golaha Ganacsiga Adduunka ee WEF magaalada Davos bishii Janaayo 2012.
  • Waxa uu ahaa xubin caan ka ah masraxa adduunka. Waxaa uu shirkii Climate Finance Group kala qeybgalay Raiisul Wasaarihii Britain Gordon Brown Maarso 2012.
  • Meles oo imaanaya maalintii ugu dambeysay ee shirkii isbeddelka cimilada ee Qaramada Midoobay Disember 2009.
  • Hoggaamiyayaasha caalamka ayaa ka hadlay geeridiisa. Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa ku tilmaamay inuu ahaa nin waxtar iyo hal abuur leh.
  • Intii uu xukunka hayay Meles, Ethiopia waxay noqotay awood goboleed. Waxa ciidamadiisa uu u diray Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda al-Shabaab.
  • Dadka isaga dhaliila waxa ay ku eedeeyaan inuu cadaadiyo mucaaradka. Waxaa lagu mudaharaaday mar uu soo booqday London 2009.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.