Shariif oo difaacay hoggaamiye kooxeedyada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Agoosto, 2012, 19:19 GMT 22:19 SGA

Media Player

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa difaacay hogaamiye kooxeedyada, oo sheegay in aan cidna waa hogaamiye kooxeed looga reebi karin inay galaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in aan cidna waa hogaamiye kooxeed looga reebi karin inay galaan baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay isaga iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ay ku qabteen magaalada Muqdisho, ayaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray Nairobi 2004, ay hoggaamiyayaashii dagaalka go'aan ku qaateen inay ka qeybgalaan hannaanka socda, oo ay noqdeen guddoomiye baarlamaan, xildhibaanno iyo wasiirro.

Shiikh Shariif waxa uu sheegay in aan maanta lagu dhihi karin, ballantiini ma aadan oofin oo waad ku laabateen dagaalkii.

Waxaa isna shirka jaraa'id ka hadlay Danjire Mahiga oo sheegay in si hore loogu socdo in aanay sax ahayn in shaqsiyaad aan la bartilmaameedsan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.