BBC navigation

Golaha ayaa la horgeynayaa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Luulyo, 2012, 17:50 GMT 20:50 SGA

Media Player

Ergayga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya Augastine Mahiga ayaa sheegay in Gollaha Amaanka uu si rasmi ah u helayo warbixinta gudiga dabagalka ee QM.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Augastine Mahiga

Ergayga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Augastine Mahiga oo ka hadlay warbixina guddiga dabagalka QM ee eedeeyneysa madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Gollaha Amaanka uu si rasmi ah u helayo warbixinta berito.

Laakiin Mahiga waxa uu sheegay in aanay ka doodi doonin ilaa bisha dabayaaqadeeda.

Wakiilku waxa uu sheegay in warbixintan ahayd mid ay dalbadeen golaha ammaanka, weliba gaar ahaan golaha u qaabilsan dabagalka cunaqabteynta, ugu danbeyntii waxa ay noqoneysaa wax ay goluhu leeyihiin.

Mahiga waxa uu yiri "kooxdan waa mid madax banaan oo ka shaqeyneysa bariga afrika, waxaana loogu yeeraa kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea".

Mar wax laga weydiiyay inay tahay xasaasi ah in warbixin noocan oo kale ah la sii daayo xilligan. Waxa uu yiri "Xaqiiqdii waa ay tahay, xitaa inaga oo dhan oo ku hawlan hawsha siyaasadda ayay walaac nagu tahay laakiin hey'addan waa mid madax banaan, xitaa inaga oo ah xafiiskii siyaasadda nalama tashtaan".

Waxa uu sheegay in kooxdan ay warbixintooda si toos ah ugu gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo warbixinta lagu xusay inuu baasaboor diblomaasi ah u sameeyay qof burcad badeed ah ayaa waxa uu sheegay in aanay beenin oo keliya ku filneyn balse ay tahay inuu si sharci ah uga dagaallamo eedeeymaha loo soo jeediyay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.