Kadib toddobaatan sano oo ay BBC dhageystayaasha kala hadli jirtay daarta caanka ah ee Bush House ee ku taalla bartamaha London, ayaa wararkii u dambeeyey oo ku baxay afka Ingiriiska waxaa maanta laga sii daayey Istuudiyaasha BBC ee Bush House.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Aqalka Bush House waxa ay BBC ka hadleysay muddo ka badan 70 sano
Kadib toddobaatan sano oo ay BBC dhageystayaasha kala hadli jirtay daarta caanka ah ee Bush House ee ku taalla bartamaha London, ayaa wararkii u dambeeyey oo ku baxay afka Ingiriiska waxaa maanta laga sii daayey Istuudiyaasha BBC ee Bush House.
BBC qaybta dibedda la hadasha waxay soo degtay dhisme cusub oo aan aad uga fogeyn daarta Bush House oo isla bartamaha London ku yaal oo la yiraahdo New Broadcasting House.
Waa dhisme casri ah oo u habeysan warbaahinta qaybaheeda kala duwan, waxaana ku baxday dhismahan lacag dhan hal bilyan iyo bar dollar.
Agaasimaha Guud ee BBC Mark Thompson ayaa waxa uu dib u eegayaa taariikhda aqalka caanka ah ee Bush House.
Sidoo kale Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo daarta Bush House ee BBC muddo dheer ka shaqeeyay ayaa waxa uu uga warramay Farxaan Maxamed Jimcaale.
BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.
Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.