BBC navigation

Dhismooyinka taariikhiga ah ee Timbuktu ee khatarta ku sugan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Luulyo, 2012, 15:50 GMT 18:50 SGA

Sawirro: Dhismooyinka taariikhiga ah ee Timbuktu ee khatarta ku sugan

  • Masaajidka Sankore
    Taalooyinka iyo masaajida qadiimiga ah ee ka dhigay magaalada Timbuktu goob caan ah oo adduunka dhan laga yaqaano ayaa waxaa khatar ku hayo kooxda islaamiga ah ee Ansaaru Diin kuwaa oo la wareegay gacan ku haynta magaaladaas ku taal waqooyiga Maalil.
  • Masaajidka Sayyidi Yahya
    Maalmihii lasoo dhaafay, taageerayaasha Ansaaru Diin, oo aaminsan salafinimada ayaa waxay cambaareeyeen barakaysiga awliyada, waxayna burburin ku wadeen qubuurahaasi qadiimiga ah. Waxay sidoo kale weerareen misaajidka Sayid Yaxyaa (sawirka kore eeg) waxayna burburiyeen mid ka mid ah albaabada kaa oo isagoo xiran laga tagay oo ah meesha loo mari jiray taalada awliyada.
  • Waddo ku taalo Timbuktu
    Timbuktu sidoo kale waxay caan ku tahay maktabado badan oo ay yaalaan kumanaan qoraalo oo taariikhi ah. Qeybo badan oo ka mid ah dukumintiyadaa waxaa mudo dheer soo keydin jiray qoysaska reer Maali mudo dheer.
  • Mid kamid ah qoraallada taariikhiga ah
    Machadka Axmed Baaba ee Tacliinta sare iyo Cilmibaarista Islaamiga waa meesha ugu weyn ee la dhigo buugaagta ee magaalada, waxaana yaal in ka badan 40,000 oo sheey, qaar ka mid ah waxay soo jireen ilaa qarnigii 10-aad.
  • qof ka shaqeeya cilmi baarista Xarruunta Axmed Baba
    Xarunta Axmed Baaba ayaa waxay isku dubaridayeen boqolaal qoraalo si ay u dhowraan aqoonta ay xambaarsan yihiin looguna soo shubo internetka. Dadka wax indha indheeya ee gudaha Maali iyo dibadaba waxay iminka ka warwarsan yihiin halka u dambeyn doonto qoraaladaas kuwaa ay kooxaha Islaamiyiinta ay ku tilmaamaan inay yihiin kuwo shareecada islaamka khilaafsan.
  • Boubacar Sadeck
    Inta aanay iman warbaahinta Elektrooniga ah, culuumta qadiimiga ah waxaa lagu keydin jiray looxyo sida Boubacar Sadeck loo yaqaan oo lagu yaqaan in lagu guuriyo qormooyinkii qarnigii 16-aad.
  • Webiga Niger ee ku dhow Timbuktu
    Halka ay ku taal magaalada Timbuktu ee ah kaabiga dhulka saxaha iyo meel u dhaw wabiga Niger ayaa waxay ka dhigaysaa goob istiraatiiji ah oo loo isticmaali jiray inay maraan safarada ganacsatadii xilligii hore jirtay taasoo magaalada ka dhigtay meel aan qani u ah.
  • Timbuktu
    Hase ahaatee markii ay reer Yurub ay gumeysteen Afrika, wadooyinkii ganacsiga ayaa waxay u weecdeen dhanka xeebta magaalada Timbuktuna khadka ayeey ka baxday. Haatan aad ayeey faqiir u tahay. Xataa markii labo sano ka hor la qaaday sawiradan dad yar oo ajnabi ah ayaa damcayay inay booqdaan goobaha halka ay qaar badana ay ka cabsi qabeen inay afduubtaan kooxaha dableyda ah ee islaamiyiinta. Taas ayaa wiiqday mid ka mid ah ilaha dakhliga ee dadka deegaanka ka heli jireen dalxiisayaasha.
  • Tuareg
    Inta badan dadka degan deegaanka ayaa kasoo jeedo qabiilka Dhuwaariq, sida wiilka dhanka bixise taagan. Dhawaariiqda waxay inta badan ka caban jireen inay iska indhatirtay xukuumada Bamako.
  • Guryaha reer Tuareg
    Bartamaha Timbuktu waxaa ku yaal modulo ay reer Dhawaariq leeyihiin. Kacdoonka gooni ugoosadka ee Dhawaariq ayaa gacan ku siiyay Ansaaru Diin inay la wareegaan Waqooyiga Maali haseyeeshee labada koox ayaa isku dhacay oo xoogaga islaamiyiinta ayaa la wareegay gacan ku haynta saddexda magaalo ee ugu waa weyn dhinaca waqooyi, sida Timbuktu, Gao iyo Kidal.
  • Waddo Timbuktu akteeda
    Qaar ka mid ah dadka degan waqooyiga Maali oo markii hore taageeri jiray madax banaanida gobolka ayaa hadda mustaqbalkooda ka warwarsan, gaar ahaan haddii ay kooxda mayalka addag ay kusoo rogto dhaqangalinta dhaqamada xagjira. Sawirro: Manuel Toledo

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.