BBC navigation

Somaliland iyo Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 June, 2012, 10:18 GMT 13:18 SGA

Media Player

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland, Ahna Afhayeenka dowladda, Cabdi Yusuf Ducaale waxa uu ka warramayaa wada hadalka ay la galayaan Soomaaliya iyo xaaladda saxaafadda.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Cabdi Yusuf Ducaale, Wasiirka warfaafinta Somaliland

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland, Ahna Afhayeenka dowladda, Cabdi Yusuf Ducaale ayaa BBC uga warramay wada hadalka ay la galayaan Soomaaliya, oo meel geba geba ah mareyso qaban qaabadiisa.

Wadahdalkani wuxuu daba joogaa shirkii London bishii Feberuary looga hadlay Somaliya oo madaxdii caalamka ee ka soo qeyb gashay ay ku dhiirri gelisay Somalia iyo Somaliland in ay wada hadlaan.

Wadahadalka hadda dhex mari doona Somaliya iyo Somliland waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco dalkan Britain bishan June gudaheeda.

Dhinaca kale, Wasiirka oo u warramay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale, ayaa waxa kale oo uu ka warramayaa eedeeyn loo soo jeediyay dowladda Somaliland oo la sheegay in si adag ula dhaqanto suxufiyiinta ka hawlgala Somaliland.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.