bbc.co.uk navigation

Hague: Xilliga KMG waa inuu dhammaado

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 1 June, 2012, 12:02 GMT 15:02 SGA

Media Player

Xoghayaha arrimaha dibedda ee waddankan Britain, William Hague, ayaa sheegay in shirka Istanbul ee looga hadlayo mustqablka Soomaaliya uu sii xoojin doono dadaalkii ay horey u wadeen ee xal loogu helayo dhibaatada Soomaaliya.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

William Hague, Xoghayaha Arimaha dibedda ee Britain

Xoghayaha arrimaha dibedda ee waddankan Britain, William Hague, ayaa sheegay in shirka Istanbul ee looga hadlayo mustqablka Soomaaliya uu sii xoojin doono dadaalkii ay horey u wadeen ee xal loogu helayo dhibaatada Soomaaliya.

Mr Hague, waxa uu mar kale ku celiyay in uu doonayo in xilliga KMG ah ee Soomaaliya uu dhammaado bisha August ee sanadkan.

Wareysi gaar ah oo William Hague uu siiyay laanta af Soomaaliga ee BBC ayaa waxa uu ku sheegay in xilliga kala guurka in laga baxo ay dan ugu jirto Soomaaliya, oo ay beesha caalamku si caadi ah ula dhaqmi doonto dowladda Soomaaliya ay yeelati.

Waxa kale uu ka hadlay guddiga maamulka dhaqaalaha Soomaaliya ee la sameyn doono oo uu yiri "Faahfaahintiisa aa in weli laga sii shaqeeyaa oo ay wax ka dhameystirto dowladda Soomaaliya, ee Muqdisho joogta, TFG, markaa waxaan rajeynayaa intaasi la sameeyo xilli dhaw, waxaan runtii filayay in haddaba diyaar ahaato, shirkan, Istanbul, hadii aan halkan lagu saxiixina, waxaa loo baahan yahay in la saxiixo toddobaadyada soo socda".

Xoghayaha arrimaha dibedda, William Hague, waxa kale oo uu ka hadlay wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland oo uu sheegay inay dhiirigelinayaan in labada dhinac wada hadlaan.

BBC © 2013 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.