Cabdiqani: Meydkoodi xitaa lama helin

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 Mey, 2012, 16:29 GMT 19:29 SGA

Media Player

Cabdiqani Shiikh Cabdi Fiidow oo la soo xiriiray BBC ayaa ku eedeeyay maamulka Dhuusa Marreeb in laba nin oo ay walaalo yihiin si sharci darro ah u dileen.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Ugu yaraan toddobo ruux oo ay ku jiraan labo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday weerar isqarxin ah oo dhawaan ka dhacay Dhuusa Marreeb.

Laba mudane waxa la kala yiraahdaa Yusuf Mire Seeraar iyo Cabdiweli Aw Muxumed, ayay wararka qaar sheegayaan in ay geeriyoodeen.

Markaa kadib ayaa waxa maamulka Ahlu Sunna ay sheegeen inay baaritaan ay sameeyeen oo dad ay xireen.

Haddaba waxa jirta in Cabdiqani Shiikh Cabdi Fiidow oo la soo xiriiray BBC uu sheegay in laba nin oo ay walaalo yihiin si sharci darro ah loogu dilay magaalada Dhuusa Marreeb.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.