BBC navigation

Ganacsato Turkish oo maalgalinaya Soomaaliya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Abriil, 2012, 20:23 GMT 23:23 SGA

Media Player

Waxaa Muqdisho yimid wafdi ganacsato Turkish ah oo u yimid si ay maalgashi uga sameeyaan Somaliya. Waxay la kulmayaan qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida.

Waxaa Muqdisho yimid wafdi ganacsato Turkish ah oo u yimid si ay maalgashi uga sameeyaan Somaliya. Waxay la kulmayaan qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida.

Wariyaha BBCda Maxamed Maxmud Dhoore ayaa warbixin ka soo diray.

Africa Enterprise Challenge Fund

Hayadda Africa Enterprise challenge fund ayaa mashrruuc ka hirgalinayso Somaaliya bishan shan iyo tobankeeda.

Mashruucan oo socon doono saddex sanno ayaa waxaa maalgaliyay waddamada deeqaha bixiya waxaana lagu maalgalinayaa ganacsiga gaarka loo leeyahay ee warshadaha qudaarta, beeralayda, ganacsatada xoolaha, kaluumaysatada iyo shirkadaha bixiya amaahda yaryar.

Mashruucan waxaa maamulaya shirkada caalamiga ee KPMG waxayna ganacsatada la siin doonaa deeqo dhan 250 kun oo dollar ilaa hal milyan iyo bar.

Maxamuud maxamed Salaat waa la taliye sare shirkada caalamiga ee KPMG waxaan ka waraysanay sida deeqaha loo siin doono ganacsatada.

Dayactirka garoonada Hargaysa iyo Berbera

Garoonada dayuuradaha ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa laba sharikadood ku guuleysteen dib u dhis iyo casriyeyn inay ku sameeyaan. Waxaa lagu dhisayaa toban million oo dollar oo dawladda kuwait ay ku deeqday.

Qalabka boorsooyinka ama shandadaha lagu baaro ayaa la dhigay garoonka diyaaradaha ee Hargaysa toddobaadkan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.