
Safiirka Soomaalida u fadhiya magaalada Tripoli ee dalka Libya, Cabdiqani Maxamed Wacays, ayaa sheegay in boqolaal tahriibayaal Soomaali ah ay ku xiran yihiin xabsiyada ku yaalla dalka Libya.
Dadkan oo dhalinyaro u badan ayuu safiirku sheegay in laga soo qabtay badda mediterrean-ka iyagoo doomo u sii saaran dalka Talyaaniga.
Wuxuu safiirku digniin u soo jeediyay guud ahaan Soomaalida tahriibayaasha ah ee eheladooda.
Isagoo jooga Tripoli, ayuu Cabdiraxmaan Koronto uga waramay Soomaalida ku xirxiran Libya?
Safiirka Soomaaliya ee Tripoli
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.
Hadaba waxaanu telefoonka kula xiriiray Maryama Cusmaan Axmed (maariya), oo 21 jir ah, oo isu ka mid ah dadka isku diyaarinaya safarkan noocan ah.
Cabdiraxmaan Koronto ayaa waydiiyay sababta ay u joogto hadda dalka Libya?
Maryam waa Tahriibe soo martay Saxaraha
Waa gabar ka mid ah dadka quusta ka taagan arrimaha Soomaaliya oo isku soo biimaynaya badaha iyo saxaraha si ay nolol uga samaystaan Europe.
Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.
Boqolaal Soomaali ah ayaa lagu xirxiray iyagoo isku dayaya in ay badda doomo ku galaan dalka Libya.
Safiirka Soomaalida u jooga Tripoli Cabdiqani Wacays wuxuu sheegay in ilaa sadex kun Soomaali ah oo dhalinyaro u badan balse ay ku jiraan haween uur leh iyo kuwo umulay ay hadda isu diyaarinayaan in badda Medditerrean-ka ay ka gudbaan si ay Talyaaniga u galaan.
Safiirka quus ka muujiyay sidii dadkan looga joojin lahaa in ay badda galaan.